Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga kooxda Al Nassr, Cristiano Ronaldo, ayaa muujiyay jacaylka uu u qabo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, taasoo uu sheegay inay si firfircoon uga shaqeyneyso dhammaan dhinacyada, gaar ahaan kubadda cagta.
Wuxuu yiri:
“Waa dad dalkooda ku faani kara, Hadal kaliya ma aha ee ficil ayaa la socda. Anigu waxaan ahay reer Burtuqiis, balse idinka ayaan idinka tirsanahay.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Waxaan xambaarsanahay masuuliyadda ah in isbeddel aan keeno, kaliya ma aha Al Nassr, balse guud ahaan Sacuudi Carabiya – waana taas hadafkayga.”
Cristiano ayaa sidoo kale sheegay:
“Waxaan ku kordhiyay qandaraaskeyga labo xilli ciyaareed oo kale sababtoo ah waxaan rumeysanahay in aan halkan ku noqon doono horyaal.”
Wuxuu hoosta ka xariiqay:
“Waxaan doorbiday in aan u nasto si wanaagsan, inkastoo aan helay dalabyo kala duwan.”
Ugu dambeyn, wuxuu yiri:
“Waxaan go’aansaday in aan ka qeyb galo Final-ka koobka Euro, mana aanan dhegaysan wax dalab ah kadib, sababtoo ah waxaan doortay in aan halkan sii joogo maxaa yeelay waxaan jeclahay naadigaan.”