Cristiano Ronaldo oo markii afaraad ku celceliyay RIKOODH cajiib ah

0
903

Kooxaha Roma iyo Juventus ayaa waxay xalay ciyaar aad u xiiso badan ee ka tirsan kulamada Isbuuca labaad horyaalka Talyaaniga ay ku wada ciyaareen garoonka Stadio Olimpico, waxayna ku kala baxeen barbardhac 2-2 ah.

Cristiano Ronaldo ayaa awooday in 2 gool uu u dhaliyo kooxdiisa Juventus, taasoo ka dhigtay in Bianconeri ay hesho 4 dhibcood labadii kulan ay ka ciyaartay horyaalka Serie A kal ciyaareedkan cusub ee 2020/21.

Haddaba Shabakada “Opta” ayaa shaacisay in Cristiano Ronaldo uu ku guuleystay inuu shabaqa soo taabto labadii kulan ugu horreysay ee horyaalka Serie A xilli ciyaareedkan cusub, waana markii afaraad uu sidaas sameynayo xirfadiisa kubadda cagta.

Italia: Juventus vs Roma con GOLES de Cristiano Ronaldo: resumen, resultado, m | NOTICIAS DEPOR PERÚ

Shabakada ayaa waxay intaas ku dartay in Cristiano Ronaldo uu horey u sameeyay sidaan oo kale, in labada kulan ugu horreyso uu gool ka dhaliyo xilli ciyaareedka, sanadihii 2009, 2011 iyo 2014, wuxuuna markale rikoorkan ku celiyay sanadkan 2020.

Cristiano ayaa dhaliyay goolkii seddexaad ee kooxdiisa Juventus kulankii ay la ciyaareen Sampdoria, kulankii ugu horeeyay Juventus ay ka ciyaartay xilli ciyaareedkan horyaalka Serie A, kaasoo ku soo dhamaaday 3-0.

Gool FM.