Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in wiilkiisa uu taageere u yahay xiddiga Barcelona ee Lamine Yamal, isaga oo sidoo kale amaanay laacibka da’da yar ee soo ifbaxaya.
“Wiilkeyga iyo Lamine Yamal aad bay isugu egyihiin – midabka maqaarka, maqaar madow, iyo timahooda,” ayuu yiri Cristiano isagoo la hadlayay saxaafadda.
“Waxay kala ween yihiin 3 sano oo kaliya. Aad ayaan u jecelahay Lamine Yamal, wiilkeyguna si weyn ayuu u taageeraa,” ayuu Ronaldo intaas ku daray.
Wiilka Ronaldo ayaa haatan ah ciyaaryahan muhiim u ah xulka qaranka Portugal ee da’da 15 jirada, wuxuuna sidoo kale kula ciyaaraa kooxdii aabihiis ee Al Nassr ee horyaalka Sacuudiga.
Dhanka kale, Lamine Yamal waa xiddig heer caalami ah, wuxuuna Axadda la ciyaari doonaa Ronaldo kulanka kama dambaysta ah ee Nations League. Haddii uu guuleysto, Lamine wuxuu noqon karaa ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee abid ku guuleysta abaalmarinta Ballon d’Or.