Cristiano Ronaldo Oo Ka Hadlay Haddii Uu Neceb Yahay Lionel Messi & Xiriirkooda Sida Uu Ahaa

0
125

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Cristiano Ronaldo ayaa sheegay inuusan saaxiib la aheyn ninka ay mudada dheer xafiiltamayeen ee Lionel Messi inkastoo ay wadaageen masraxa ugu sareeya kubada cagta muddo ku dhow labaatan sannadood.

Halyeeyga Manchester United iyo Real Madrid ayaa hos u dhigay wararka sheegaya inay labada nin isneceb yihiin laakiin waxa uu qirtay inuusan waligiis la sheekeysanin xiddiga reer Argentina.

Ronaldo iyo Messi ayaa muddo dheer heystay kubada cagta. Cid kale kuma guuleysanin Ballon d’Or oo aan iyaga aheyn intii u dhaxeysay 2008dii iyo 2017kii.

Messi waxa uu abaalmarinta ku guuleystay todoba jeer, halka Ronaldo uu ku guuleystay shan jeer. Madaama ay masraxa ugu sareeya kubada cagta wadaagayeen muddo dheer, waxaa lama filaan ah inaysan labada nin wax badan ku sheekeysi.

Si kastaba, weeraryahanka Al-Nassr Ronaldo ayaa shaaca ka qaaday inuusan waligiis la sheekeysanin halyeeyga Barcelona oo haatan u ciyaara kooxda Mareykanka ee Inter Miami. Xiddiga Portugal ayaa sheegay in isaga iyo Messi aysan saaxiib aheyn.

Ronaldo oo la joogo xulka Portugal ayaa yiri: “Xafiiltan fiican ayuu ahaa. Waxaa la sheegay in Cristiano Ronaldo uu neceb yahay Messi ama Messi uu neceb yahay Ronaldo laakiin taasi run ma ahan. Waxaan bedelnay taariikhda kubada cagta.

“Taariikhdeena weli way socotaa, waxaan masrax wadaagnay 15 sannadood sidaasi darteed ixtiraamka ayaa inaga dhaxeeya. Ma dhahayo saaxiib ayaan nahay, waligeed lama sheekeysanin, laakiin waan ixtiraamayaa.”