Covid-19: Mareykanka oo Dadka Tallaalan u Fasaxay Dhex-galka Bulshada.

0
232

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Xarunta la dagaallanka iyo ka hortagga xanuunnada dalka Mareykanka ayaa shaacisay in dadka sida buuxda u qaatay tallaalka Covid-19 ay dib u billabi karaan howlahoodii iyo nolol maalmeedkoodii caadiga ahaa.

Xarunta ayaa sheegtay in dadka qaatay tallaalka ay la kulmi karaan dadka sidooda oo kale tallaalan iyo kuwo aan tallaalleyn intuba.

Sidoo kale xarunta ayaa tilmaantay in waxtarka tallaalka ay jirka si rasmi ah ula falgasho laba todobaad kaddib xilliga tallaaka.

Ilaa 30 milyan oo qof oo Mareykan ah ayaa qaatay tallaalka Covid-19waxaa loo oggolaaday dadka tallaalan in ay dad badan ay kula kulmi karaan goobo xidhan waliba afsaar la’aan “Face mask”. Dadka tallaalan aya asidoo loo oggolyahay in ay la kulmaan xubnaha qoyskooda ee xanuunka la il-daran.ugu dambeynna waxaa loo oggolaaday in ay ka maarmaan baaritaan la xariira xanuunka haddii aanan lagu arkin caalamadaha xanuunka.

Mareykanka waxaa laga diiwaan geluyay 29 milyan oo xaaladood iyo 525.000 oo qof oo xanuunka u geeriyootay.