Corona Virus oo saamayn ku yeeshay Waxbarashada deegaanka Hoosingow

0
225

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)Caabuqa Covid_19 saameynta uu dunida ku reebay kali ah ma ahan in uu isku socodka Caalamka xanibay balse waxa uu shaqalo la’aan dhigay maalaayiin Qof oo kala nool dunida oo dhan, sido kale waxa uu sameyn ku yeeshay dhanka waxbarshda hadey noqon laheyd dhanka tacliinta iyo dhanka macalimiinta oo uu ka saameyey xaga dhaqaalaha kaasi oo ahaa mid ay noloshooda ku mareyn jireen.

Deegaanka Hoosingow ee Gobalka Jubadda Hoose waxa uu kamid yahay melaha ay macalimiinta soo wajahaday dhaqala’aantu taasi oo uu sababay Xanuunka faa faha daran ee Caroona verise.

Guddoomiyaha Deegaanka Hoosingow Cabdi qaadir Cumar Shire oo Radi Sanguuni uga waramay caqabadaha heysta macalimiinta ka hoowlgala Deegaankaasi ayaa shegay in qaar badan oo kamid ah macalimiinta ayasan markii horaba heeli jirin wax dhaqala ah halka inta kalana uu saameyey Covid_19 oo wixii ay heeli jireen hada asayan heelin.

Xasan Maxamed Cabdullaahi ayaa ka warramaya