Conte oo weerar ku qaaday madaxweynaha kooxda Juventus kaddib markii ay ka hareen Coppa Italia

0
196

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Waxay dhacdo kulul dhex martay macalinka kooxda Inter Milan ee Antonio Conte iyo madaxweynaha kooxda Juventus ee Andrea Agnelli, kaddib markii ay Nerazzurri ka hartay tartanka Coppa Italia.

Allianz Stadium ayaa martigaliyay kulankii labada koox lugtii labaad ee semi-finalka, waxayna ciyaartu ku dhamaatay barbaro goolal la’aan ah, Bianconeri ayaa iska xaadirisay Finalka tartankan, maadaama kulankii lugta ay ku soo adkaatay 1-2.

Ciyaarta kaddib, kaamirooyinka ayaa muujiyay madaxweynaha Juventus ee Andrea Agnelli oo ereyo xoog leh kula hadlaya Tababare Antonio Conte.

Haddaba ciyaarta kaddib ayey saxaafada weydiisay tababaraha Inter wixii dhex maray isaga iyo madaxweynaha Juventus ee Andrea Agnelli, wuxuuna dalbaday Conte in loola dhaqmo si ixtiraam badan, sida uu u sheegay warbaahinta:

Image result for Andrea Agnelli and Antonio Conte

“Juventus, waa inay runta sheegaan … Waxaan u maleynayaa in garsooraha afaraad uu maqlay oo uu arkay wixii ka dhacay ciyaarta oo dhan.”

“Aragtidayda, waa inay edeb badan yeeshaan, waxay u baahan yihiin ciyaar wanaag iyo ixtiraam kuwa shaqeeya.”