Ciyaartoyda Manchester United Oo Kasoo Horjeedsaday Sida Uu Erik ten Hag Ula Dhaqmayo Jadon Sancho.

0
68

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ciyaartoyda Manchester United ayaa la sheegay in ay kasoo horjeedsadeen sida uu tababare Erik ten Hag ula dhaqmayo xiddiga reer England ee Jadon Sancho oo shirkii jaraa’id ee maanta uu qabtay uu ku sheegay in aanu 23 jirkani u ciyaari doonin kooxdiisa toddobaadkan.

Erik ten Hag ayaa ku ciqaabay Sancho in aanu ciyaartoyda kooxda soo dhax-gelin kaddib markii uu farriin uu ku aflagaaddaynayo kusoo qoray bartiisa bulshada intii ay socotay ciyaartii Arsenal ee horraantii bishan, taas oo keentay in laga saaro liiska ciyaartoyda kooxda.

Warbaahinta wadda ka Ingiriiska ayaa maalmihii tegay ku warramaysay in Sancho uu diiday inuu raalligelin siiyo Ten Hag, si loo dejiyo xaaladda oo uu dib ugu soo noqon karo kooxda, taas oo sii murgisay xaaladda.

Ten Hag ayaa ku adkaysanaya in ciyaartoy aan wax ixtiraam ah u haynin oo aflagaaddeeyey aanu kusoo noqonayn kooxdiisa, hase yeeshee ciyaartoyda kooxda koowaad ayaa i tooda badan ay kasoo horjeedsadeen go’aanka tababaraha.

Sida uu qoray wargeyska MEN, ciyaartoyda waaweyn ee Manchester United ayaa bilaabay inay si hoose u dhalleeceeyaan tababare Erik ten Hag iyaga oo ku eedaynaya in sida uu doono uu u dhaqmayo, waxaana sidoo kale qolka labbiska kusoo badanaysa xanta iyo ciyaartoyda ka madax-taagaya tababaraha, kaddib guul-darradii Bayern Munich.

Si kastaba ha ahaatee, tababare Ten Hag oo maanta la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ay suurtogal tahay in aanu Sancho mar dambe u ciyaarin Manchester United.