City Oo Ka Badbaaday Fadeexad FA Cup-ka – Guardiola Oo Sheegay Dhibka Ugu Weyn Ee Haysta Kooxdiisa!

0
43

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa si adag u dhaleeceeyay qaab ciyaareedka kooxdiisa xilli ciyaareedkan, inkastoo ay kasoo kabsadeen guul darro dhankiisa u janjeertay si ay 2-1 uga adkaadaan Bournemouth una gaaraan semi-finalka FA Cup.

City ayaa wajahday dhibaato xilli ciyaareedkan, waxaana Guardiola uu sheegay in kooxda ay waayeen “qalbigii iyo rabitaankii” ay horay u lahaayeen. Waxa uu si gaar ah u xusay in kulankii ay horey ugu ciyaareen garoonka Vitality Stadium bishii November ay kusoo aadeen iyagoo “digo ah” oo aan lahayn rabitaan guul.

Muxuu Guardiola Ku Dhawaaqay?

“Markii la barbar dhigo kulankii November, waxaan halkaan u nimid sidii dad fasax soo galay, iyadoo ay naga hortimid koox dadaal badan. Laakiin maanta, waxaan u muuqanay koox dhab ah oo tartameysa,” ayuu yiri Guardiola.

“Xilli ciyaareedkan, waxa aan luminnay qalbigii iyo rabitaankii aan had iyo jeer lasoo shartagi jirnay. Tani, aniga ahaan, waa waxa ugu muhiimsan ee aan dib usoo ceshano. Waa inaan dib u helno ruuxda iyo xamaasadda.”

Guardiola wuxuu xusay in beddelkii Nico O’Reilly iyo Omar Marmoush ay door muhiim ah ka ciyaareen guushii la gaaray, halka xiddigaha waaya-aragga ah sida Kevin De Bruyne iyo Bernardo Silva ay fure u ahaayeen ciyaarta.

Ugu dambeyn, tababaraha reer Spain ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in kooxdiisu ay markale gaarto Wembley, isagoo yiri: “Afar iyo toban sano oo xiriir ah FA Cup semi-finalka inaan gaarno waa guul layaab leh.”