Cisbitaalka Balcad oo yeeshay Xarun qaabilsan hooyada iyo dhallaanka.

0
39

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Qaar kamid ah xubnaha lada gole ee XFS ayaa maanta xarigga ka jaray qeybta hooyada iyo dhallaanka ee lagu kordhiyay cisbitaalka Degmada Balcad oo ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe.

Xafladdii furitaanka waxaa ka hadlay Wasiirka Caafimaadka XFS Dr Cali Xaaji Warsame , Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibada XFS Cali Balcad ,iyagoo ka waramay baahida loo qabay qeybtaan cusub iyo kaalinta ay ka qaadan doonto samatabixinta hooyada iyo dhallaanka.

Sidoo kale,waxaa munaasabadii xarig jarka ka hadlay Dr Cismaan Dufle ,isagoo yiri”si loo hormariyo howlaha shaqo ee Isbitaalka degmada Balcad waxaan shaqaalaha u sameyn doonaa tababar Caafimaad si aan u dhiirigalinno bulshada reer Balcad”.

Dhammaan xubnihii ka socday labada gole waxa ay ballanqaadeen in ay gacan ka geysan doonaan sidii guud ahaam cisbitaalkaasi uu u heli lahaa sahay dhanka daawada ah ,qalab iyo tababar la siiyo shaqaalaha caafimaadka ee halkaasi.

Dhismaha iyo horumarka ka muuqda cisbitaalka degmada Balcad waxa uu muujinayaa sida dadka reer Balcad ay ugu fiicanyihiin isku tashiga iyo wax wada qabsiga,gaar ahaan marka ay jiraan arrimaha danaha guud