Cirbidda Saddexaad ee Tallaalka COVID-19 oo laga bilaabayo Mareykanka.

0
200

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xarunta Xakameynta iyo Ka hortagga Cudurrada ee Mareykanka ayaa ansixisay, in cirbidda saddexaad ee tallaalka cudurka COVID-19 ee ay soo saarto shirkadda Pfizer la siin karo dadka Mareykanka ah ee ay da’doodu ka sarreyso 65-ka sano.

Xarunta CDC ayaa sidoo kale ogolaatay in tallaalkan la siin karo dadka qaan gaarka ah ee qaba xanuunada halista ah iyo dadka ka shaqeeya goobaha nugul ee uu xanuunka sida sahlan ugu fido.

Tallaabadan ayaa ka danbeysay kaddib markii ay khubarro ka tirsan xaruntan ay ku taliyeen , in tallaalka qeybtiisa saddexaad aanan la siin dadka ka shaqeeya goobaha halista ah, balse loo ogolaado oo ka kaliya, dadka waayeelka ah iyo kuwa qaba cudurrada halista ah.