Ciidanka Israa’iil oo duullaan hor leh ku qaaday waqooyiga Gaza.

0
99

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ciidamada Israel ayaa Isniintii aad ugu sii siqay gunta magaalada ugu weyn Marinka Gaza, iyaga oo sheegay in ay la dagaallami doonaan dagaalyahannada Xamaas oo ay sheegeen in ay halkaasi dib ugu soo laabteen.

Ciidanka Isra’il ayaa Isniinti ku amray dadka aaggaasi daggan in ay isaga baxaan, taasi oo keentay in kumannaan qoys ay mar kale si dhaqso ah uga cararaan duqeymaha ciidamada Isra’il.

Isra’il waxay sheegtay in mar kale ay ciidankoodu kula dagaalamayaan aagga waqooyi ee Gaza, halkaas oo ay ah meeshi uu ka billowday duullaanka Isra’il billowgi dagaalka Gaza.

Saraakiisha Xamaas ayaa ka digay in weerarka cusub ee ay Isra’il shalay ka billowday Gaza uu halis ku yahay wadagadallada xasaasiga ah ee xabbad-joojinta ee ay dowldaha Mareykanka, Qatar iyo Masar ka dhex wadaan Xamas iyo Israil.

Dadka deegaanka waqooyiga Gaza ayaa sheegay in duqeymihi cirka ee ay Isra’il Isninti ka fulisay halkaasi ay ahaayeen mid ka mid ah kuwi ugu cuslaa uguna khasaaraha badnaa tan iyo marki uu billowday dagaalka muddo hadda laga joogo 9 bil.

Dowladda Mareykanka ayaa Isninti xaqiijisay in saraakiil sare oo Mareykan ah ay gaareen magaalada Qahira ee dalka Masar, si ay u riixaan heshiiska xabbad-joojinta ee hindisihiisu uu lahaa madaxweyne Biden.