Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Ciidamadda ilaalada xeebaha dalka Tuunis ayaa sheeegay inay soo badbaadiyeen 223 qof oo doonayay inay tahriib badda ah ku galaan wadamada Yurub.
Afhayeenaka ciidamada ilaalada xeebaha Tuunis Xusaam Al-Diin Al-Jabaali ayaa warbaahinta u sheegay in dadkaan la soo badbaadiyay isagu jiraan 112 qof oo kasoo jeeda waddamo Afrikaan ah, halka inta kale ay yihiin muwaadiniin reer Tuunis ah.
Muddooyinkii u dambeeyay dalka Tuunis waxaa si aad ah ugu soo badanaayay muhaajiriinta dooneysa inay u gudbaan wadamada Yurub kuwaas oo dalalkoodi uga soo cararary dhibaatooyin dhaqaale iyo amni xumo.
Dowladda Tuunis ayaa dadaal badan ku bixineysa si ay uga hortegi leheed tahriibayaalka u isticmaalaya xuduudeeda si sharci darro ah.