Choupo-Moting oo laga reebay safka qaranka Cameroon kaddib markii fariintii loogu yeerayay meel kale loo diray!… (Yaa loo diray?)

0
319

(Yaoundé) 23 Maarso 2021. Xulka qaranka Cameroon ayaa luminaya mid ka mid ah xiddigahooda ugu muhiimsan kulammada ay la kala ciyaarayaan Cape Verde iyo Rwanda kaddib markii la qalday E-mail-kii la doonayay in loo diro.

Eric Maxim Choupo-Moting ayaa ahaa xiddigii ugu horreeyay ee lagu daray diiwaanka xiddigaha kulammada soo socda u matalaya qaranka Cameroon, hase ahaatee, qalad ka dhacay xiriirka kubadda cagta dalkaas ayuu kaga haray safka xiddigaha Macallin Toni Conceicao.

Wargeyska Jarmalka kasoo baxa ee The Bild ayaa sheegay in weeraryahanka Bayern Munich uusan helin fariin kaga timid qarankiisa maadaama FA-ga cameroon ay fariinta u direen isla E-mail-kooda.

E-mail-ka ay xiriirku isu direen waxa uu sababay inay waayaan xiddig laf dhabar u ahaa qaranka kulammada is reeb-reebka tartanka qarammada qaaradda Afrika.