Chile oo ka digaysa Sunaami ka dib dhul-gariir xoog leh.

0
16

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Chile ayaa soo saartay digniin sunami ah, waxayna sheegtay in dadku ay ka guuraan aagga xeebta koonfureed ee dalka ka dib dhulgariir xooggan oo agagaarkaas ka dhacay.

Digniintan ayaa loo jeediyay gobolka Magallanes ee koonfurta dalka Chile.

Dhulgariir cabirkiisu dhan yahay 7.4 ayaa Jimcihii ku dhuftay meel 219 kilomitir u jirta xeebta magaalada Ushuaia ee dalka Argentina, sida ay sheegtay hay’adda Sahanka dhulka ee Maraykanka.

Qoraal uu soo dhigay barrta X ayuu Madaxweynaha Chile Gabriel Boric wuxuu yiri “Waxaan ugu baaqaynaa dadka inay ka baxaan aagga xeebta ee gobolka Magallanes”.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warramaysa in tani ay tahay tallaabo taxaddar leh, iyadoo dadka deegaanka laga codsaday in ay u guuraan goobo ammaan ah oo 30 mitir ka sarreeya heerka badda.