Chelsea oo u gudubtay wareega siddeeda Champions League kaddib markii ay guul ka gaartay Atletico Madrid

0
238

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni).Chelsea ayaa u gudubtay wareega siddeeda Champions League kaddib markii ay guul kaga gaartay kooxda Atletico Madrid 2-0 kulankii lugta labaad wreega 16-ka ee tartankan, waxayna Blues cel-celis ahaan labada kulan ku soo baxday 3-0.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggamineysay kooxda kubadda cagta Chelsea.

Daqiiqadii 34-ad Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay xiddigooda Hakim Ziyech, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Timo Werner.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 90+4aad Emerson oo caawin ka helay saaxiibkiis Christian Pulisic ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Chelsea.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 ay Chelsea kaga adkaatay kooxda Atletico Madrid oo ku soo booqatay garoonka Stamford Bridge, Blues ayaa cel-celis ahaan ugu soo baxday wareega xiga ee siddeed dhamaadka Champions League 3-0, maadaama kulankii lugta hore ay ku soo adkaatay 0-1.

Dhinaca kale kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa si raaxo leh isaga xaadirisay wareega xiga ee siddeed dhamaadka Champions League, maadaama labadii kulan ay kula ciyaarta Lazio wareega 16-ka ay ku soo baxday cel-celis ahaan 6-2.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image