Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay go’aansatay inay ku sii socoto heshiiska weeraryahanka Paris Saint-Germain Randal Kolo Muani marka la gaaro suuqa January.
Iyada oo isku daygoodii saxiixa Victor Osimhen iyo Ivan Toney uu fashilmay bilo ka hor chelsea ayaa xilli ciyaareedka gashay iyaga oo aan la soo saxiixan weeraryahan toos ah.
Si kasta ha ahaatee Blues ayaa ka faa’iiday qaab ciyaareedka Cole Palmer iyo Nicolas Jackson kuwaas oo dhexdooda dhaliyay 21 gool premier League.
Si kasta ha ahaatee Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay u dhaqaaqayso saxiixa weeraryahan suuqa January.
Xiddiga Kooxda PSG ee Kolo Muani ayaa lagu soo waramayaa in uu bartilmaameed u noqday kooxda chelsea.
Weeraryahankii hore ee Nantes iyo Eintracht Frankfurt ayaa la filayaa in loo ogolaado in uu isaga tago kooxda PSG suuqa January.