Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Sida uu daaha ka rogay suxufiga lagu kalsoon yahay Fabrizio Romano, kooxda Chelsea ayaa si dhab ah uga shaqeyneysa heshiisyo kala duwan oo ay ku doonayso laba ciyaaryahan oo da’yar: Xavi Simons iyo Alejandro Garnacho.
🎯 Xavi Simons – Diyaar ayuu u yahay inuu baxo:
🇳🇱 Xiddiga reer Netherlands ayaa si cad u muujiyay inuu doonayo inuu ka tago RB Leipzig.
🟦 Chelsea ayaa u aragta Xavi Simons mid ka mid ah bartilmaameedyada ugu sarreeya ee xagaagan.
💬 Wadahadallada ayaa haatan ku jira marxalad horumarsan, iyadoo lagu guda jiro qaabeynta qaab-dhismeedka heshiiska.
⚡ Alejandro Garnacho – Weli lama hubo balse qorshaha ayuu ku jiraa:
🇦🇷 Chelsea waxay si weyn u daneenaysaa Alejandro Garnacho oo ka tirsan Manchester United.
🏃♂️ Kooxda waxay ku qanacday:
Xawaaraha sare ee Garnacho
Is-bedbeddelka uu u keeni karo weerarka
❗️ Ilaa hadda wax wadahadal rasmi ah lalama bilaabin United, balse Blues ayaa rajeyneysa inay u dhaqaaqdo xiddiga bisha August gudaheeda.
🔍 Muxuu Romano sheegay?
“Labada heshiis waxay u socdaan si gooni ah, midkoodna uma ahan ‘beddel’ kan kale. Xavi iyo Garnacho labaduba waxay Chelsea u arkaan meel ku habboon horumarkooda ciyaareed.”
✍️ Maxaa laga filan karaa Chelsea?
✅ Heshiiska Xavi Simons waa mif hadda u dhaw dhameystir.
🔜 Dedaalka Garnacho waa mid Chelsea qorsheyneyso iney guda gasho goor dhow.
🔄 Laba weeraryahan oo da’yar oo mustaqbalka fog ku yeelan kara Stamford Bridge.