Chelsea Oo Qarka U Saaran Saxeexeedii Shanaad Ee Suuqan, Booska Uu Ka Ciyaaro & Qiimihiisa

0
171

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda ree London ee Chelsea ayaa ku dhaw saxeexeedii shanaad ee gudaha suuqa xagaagan iyadoo ka dhiganaysa da’yarka khadka dhexe ee kooxda Inter Milan ee Cesare Casadei, khadkaas dhexe ayay Chelsea muddooyinkii ugu dambeeyay daba socotay waxaanay ugu dambayn u muuqataa mid ku guuleysatay.

Wargeyska The Guardian ayaa sheegaya in Blues ay maalmaha soo socda Casadei kula soo wareegayso qiimo dhan 12 Milyan oo pound.

Kooxda tababare Thomas Tuchel ayaa laba dalab oo ay hore xiddiga Talyaaniga ah uga gudbisay looga soo diiday balse dalabka saddexaad ayay aad ugu rajo weyn yihiin in la aqbali doono. Kooxda Ligue 1 ka ciyaarta ee Nice ayaa sidoo kale Cesare bartilmaameed ka dhiganaysay balse Chelsea ayaa kaga gacan sarreysa.

Casadei oo 19 sano jir ah ayaan wali metelin kooxda koowaad ee Inter Milan walow uu yahay mid si joogto ah bandhig wanaagsan uga sameeya da’yarta kooxda.

Casadei ayaa xilli ciyaareedkii hore 30 kulan oo uu da’yarta Inter u ciyaaray kusoo dhaliyay 14 gool halka uu afar kale kusoo caawiyay.

Waxa xiiso yeelan doonta haddii uu Tuchel degdeg ugu daro kooxda koowaad ee Chelsea iyo haddii uu go’aamiyo inuu amaah ku diro.