Chelsea oo Looga Digay PSG Ka Hor Final Club World Cup-ka.

0
44

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Nigeria, John Mikel Obi, ayaa sheegay in Paris Saint-Germain ay tahay kooxda uusan qofna dooneyn inuu hadda la ciyaaro.

Mikel Obi ayaa ka hadlayay DAZN, ka dib markii PSG ay 4-0 ku xasuuqday Real Madrid semi-finalka Koobka Kooxaha Adduunka Arbacadii.

Kooxda Ligue 1 ka dhisan ayaa haatan wajihi doonta Chelsea finalka tartanka maalinta Axada.

Waxa ay doonayaan in ay ku guuleystaan ​​koobka marka laga soo tago koobka Champions League oo ay qaadeen bishii hore.

Mikel Obi ayaa yiri: “Uma maleynayo in qof doonayo inuu la ciyaaro PSG hadda.

“Koox kasta oo adduunka ah hadda waxay eegayaan iyaga oo waydiinaya ‘sidee aan u ciyaari karnaa sidan oo kale?’.