Kooxda Chelsea ayaa shaacisay liiska ciyaartoyda aan ka mid noqon doonin kooxda rasmiga ah ee xilli ciyaareedka 2025/2026, iyadoo Raheem Sterling laga dhigay mid ka mid ah “bomb squad”-ka — liiska ciyaartoyda aan qorshaha kooxda ku jirin oo la rabo in la iibiyo ama amaah lagu diro,waxaa kamid ah.
Sterling oo xilli ciyaareedkii hore amaah ku joogay Arsenal, ayaa hadda dib ugu soo laabtay Stamford Bridge, hase yeeshee waxa la filayaa inuu ka tago kooxda inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan. Waxa lala xiriirinayaa kooxo badan.
Chelsea ayaa sidoo kale website-keeda ku daabacday liiska rasmiga ah ee kooxda koowaad oo ka kooban 31 ciyaaryahan, kuwaas oo ay ku jiraan dhammaan laacibiinta cusub ee ay lasoo saxiixatay, oo uu ka mid yahay Jorrel Hato oo kaga yimid Ajax.
Ciyaartoyda laga reebay liiska rasmiga ah ee Chelsea:
- Raheem Sterling
- Ben Chilwell
- Axel Disasi
- Renato Veiga
- Alfie Gilchrist
- Carney Chukwuemeka
- Lesley Ugochukwu
- Armando Broja
- David Datro Fofana
- Ciyaartoydan ayaa haatan ah kuwo furan oo suuqa yaalla, waxaana Chelsea ka shaqeyneysaa inay iska iibiso ama amaah u dirto inta ka dhiman xagaagan.
📝 Xusuusin: Liiska cusub ee 2025/26 waxa uu muujinayaa in Chelsea ay diyaar u tahay in ay xoojiso kooxdeeda iyada oo laga saarayo ciyaartooy aan ku habboonayn aragtida tababaraha cusub.