Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Chelsea ayaa tababaraheeda Enzo Maresca u dejisay hadaf ah in xilli ciyaareedkan uu kooxdiisa ku hoggaamiyo kaalmaha afarta sare si ay ugu soo baxaan tartanka Champions League, iyadoo dib loo eegi doono xaaladda dhammaadka xilli ciyaareedka.
Laakiin kaddib markii ay heleen siddeed dhibcood oo keliya lix kulan iyo laba guuldarro oo xiriir ah horyaalka Premier League, cadaadiska saaran Maresca ayaa sii kordhay.
Khabiirka ciyaaraha ee BBC Match of the Day, Alan Shearer ayaa yiri:
“Waxaan u maleynayaa in marka aad qabato xilka tababarenimo ee Chelsea, aad si fiican u og tahay in cadaadis lagu saarayo haddii aad guuldarreysato – iyaguna waxay lumiyeen labo kulan.
“Taas waa sharciga tababarenimada, laakiin gaar ahaan marka aad joogto Chelsea. Ma lumin kartid ciyaaro badan, haddana waxay lumiyeen labo, sidaas darteed waa xaalad uu tababaruhu si fiican u fahmayo.”
Waxaa lagu soo warramayaa in taageerayaasha Chelsea ay bilaabeen inay ka niyad jabaan Maresca, kadib qaab ciyaareed difaacasho ku dhisan, gaar ahaan kulammadii kooxdu kaadhka cas ku qaadatay bilowga ciyaarta – kulankii Manchester United iyo kii Brighton.
Inkasta oo Maresca isku dayay in uu ciyaarta adkeysto difaaca markii ay kooxdiisu casaan loo taagay, haddana Chelsea labadii kulanba way guuldarreysatay, taas oo ka careysiisay taageerayaasha.