Chelsea oo ku guuleysatay Koobka UEFA Super Cup kaddib markii ay rigoorayaal kaga qaaday Villarreal

0
172

Qeybt hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda reer England ee Chelsea.

Daqiiqadii 27-aad kooxda Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Hakim Ziyech, oo caawin ka helay saaxiibkiis Kai Havertz.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

73 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Villarreal ayaa dhalisay goolka bar-bardhaca, kaddib markii uu 1-1 ka dhigay ciyaarta Gerard Moreno, waxaana goolkan ka caawiyay Boulaye Dia.

90-ka daqiiqo ee loogu talagalay kulanka ayaa wuxuu ku soo idlaaday bar-bardhac 1-1 ah oo ay isku mari waayeen labada kooxood Chelsea iyo Villarreal, waxaana la aaday 30 daqiiqo oo waqti dheeri ah, si loo xaqiijiyo kooxda ugu dambeyn loo caleemo saarayo ku guuleysiga koobka UEFA Super Cup.

Ugu dambeyntii kooxda Chelsea ayaa ku guuleysatay Koobka UEFA Super Cup, kaddib markii rigoorayaal 6-5 ah ku garaacday naadiga Villarreal, Kaddib ciyaar aad u xiiso badan oo ka dhacday garoonka Windsor Park ee Northern Ireland.

SAWIRRO:

Image

Image