Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Daafaca Chelsea Trevoh Calobah ayaa qarka u saaran inuu dhaqaaqo bishaan.Mirror ayaa sheegaysa in Chalobah uu diyaar u yahay inuu ka tago Chelsea ka dib markii uu arkay Axel Disasi oo ka yimid AS Monaco .
West Ham iyo Everton ayaa xiiseynaya Chalobah, halka amaah ay sidoo kale ku jirto in lagu fasaxo.Daafaca ayaa Blues kula jira heshiis 2028 ah.
Chalobah ayaa xilli ciyaareedkii hore u saftay 25 kulan oo Premier League ah kooxda Chelsea .