Chelsea Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Enzo Maresca.

0
7

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Taageerada Chelsea ee tababare Enzo Maresca ayaa ah mid aan leexleexad lahayn inkasta oo ay guuldaradii niyad jabka ahayd ee Axadii kala kulantay Arsenal.

Iyadoo loo arkayay inay ka baxsan tahay kooxaha u tartamaya horyaalka bishii December, natiijooyin  oo y heshay kooxdu ayaa keentay in ay u tartanto boosaska loogu soo boxo champions Leagye.

Inkasta oo ay Chelsea ku jirto qaab ciyaareed liita hadana tababaraha ayaa haysta kalsoonida maamulka ooxda.

Sida laga soo xigtay BBC Sport, maamulka Chelsea ayaa wali taageersan tababaraha waxana ay diyaar u yihiin in ay garab istaagaan tababaraha.

Uma muuqato in ay maamulka kooxdu shaqada ka caydhin doonaan tababare Maresca wax walba oo dhaca xilli ciyaareedkan.