Chelsea Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Enzo Maresca.

0
13

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay go’aan ka gaartay mustaqbalka tababaraha kooxda ee Enzo Maresca ka dib guuldaradii 3-0 ee ka soo gaartay Brighton & Hove Albion fiidnimadii Jimcaha.

Kooxda Brighton ayaa xasuuqday kooxda Chelsea kulan ay Blues la kulantay guuldaro xanuun badan.

Qaab ciyaareedka Chelsea ee bilowgii xilli ciyaareedkan ayaa keentay in la soo jeediyo in ay Chelsea ku jirto tartanka premier league inkasta oo Maresca uu ku celceliyay in kooxdiisu aanay wali heerkaas gaadhin.

Tababarihii hore ee Leicester city ayaa haatan midka saxan iyada oo Chelsea u dagaalamayso boosaska loogu Soo boxo champions league.

Wiilasha Maresca ayaa kaliya ku guuleystay seddex ka mid ah 11-kii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan, iyagoo sidoo kale ka haray FA Cup xilligaas.

Ciyaaryahan hore oo khadka dhexe uga ciyaari jiray Chelsea ayaa sheegay in 45-sano jirkaan la ceyrin lahaa hadda hadii Roman Abramovich uu hogaamin lahaa kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, sida Laga Soo xigtay The Athletic, Maamulka kooxda Chelsea ayaan haatan qorshaynin in ay shaqada ka caydhiso tababare Maresca.