Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge si dirqi ah saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Newcastle United, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.
Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Chelsea iyo Newcastle United ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 89-aad kooxda Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay K. Havertz kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Jorginho
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-0 ay kaga adkaatay Chelsea kooxda Newcastle United oo marti ugu ahayd garoonka Stamford Bridge, Blues oo ku jirta kaalinta saddexaad ee kala sareynta horyaalka ayaa waxay leedahay 59 dhibcood.