Chelsea Oo Farta Loogu Fiiqay Goolhaya Ka Caawin Kara In Ay Champions League Usoo Baxaan

0
42

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Daaficii hore ee Chelsea, Jason Cundy, ayaa u sheegaya kooxdiisii hore inay la soo saxiixato goolhayihii hore ee Arsenal, Aaron Ramsdale, si ay u xalliyaan ‘dhibaatada ba’an’ ee ka heyssata booska goolhayaha.

Chelsea wali waxay raadinaysaa goolhaye muddo dheer u noqon kara No.1 inkastoo ay haystaan goolhayeyaal kala duwan.

Robert Sanchez ayaa xilli ciyaareedkan ayaa noqday goolhayaha koowaad ee tababaraha Chelsea, Enzo Maresca.

Laakiin goolhayaha Isbaanishka ah ayaa la fadhiisiyay kursiga keydka kaddib markii uu sameeyay khaladaad badan oo sababay goolal ka badan goolhayayaasha ka ciyaaro Premier League xilli ciyaareedkan.

Maresca ayaa markaan fursad siiyay Filip Jorgensen kaddib markii kursiga keydka la fadhiisiyay Sanchez, laakiin isaguna wuu ku dhibtooday inuu wax badan ka beddelo xaaladda.

Jorgensen ayaa khalad weyn sameeyay kulankii ay Chelsea guuldarro kala kulantay Aston Villa Sabtidii.

“Jorgensen wuxuu sameeyay qalad aad u xun kulankii Aston Villa. Waxaan sameynay dadaal ku filan si aan dhibic uga helno kulankaas, balse goolhayuhu wuxuu sameeyay khalad weyn oo naxdin leh, wuxuna noqday musiibo kooxda loosoo diray.

“Waxaan si dhab ah u qaadan lahaa Ramsdale. Taasi waa horumar. Kelleher oo Liverpool jooga waa mid kale oo ay fiirinayaan.

“Si cad goolhayeyaasha Chelsea xaaladdoodu ma fiicna. Sanchez ayaa fursadda helay, laakiin saddexdii bilood ee la soo dhaafay si weyn ayey u muuqaneysay inuu dhibaato ku jiro. Waxaana jiray goolal badan iyo khaladaad uu sameeyay.”

Ramsdale, oo haatan u ciyaara Southampton, wuxuu ku dhawaad 100 kulan u saftay Arsenal intii uu joogay garoonka Emirates Stadium.