Chelsea oo duullaan ku ah Real Madrid…(Waa kuma xiddiga ay ka doonayaan?)

0
374

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa qorsheyneysa inay xagaagan lasoo wareegsto xiddigo cussub si xilli ciyaareedka dambe tababare Thomas Tuchel uu ugu dagaallamo hanashada horyaalka Premier League.

Sidaas darteed, wararka ka imaanaya dalka Ingiriiska ayaa sheegaya in Blues ay baacsaneyso saxiixa difaaca kooxda Real Madrid ee Raphael Varane.

Macallin Tuchel ayaa lagu soo warramayaa inuu aad u xiiseynayo difaacan sida ay warineyso jariiradda The Bild ee Jarmalka kasoo baxda, waxaana ay wararku intaas ku darayaan inuu macallinkan weydiistay maamulka kooxda inay soo iibiyaan xiddiga reer France.

Qandaraaska uu Varane kula jiro kooxda Real Madrid ayaa dhici doona xagaaga 2022, waxaana uu haatan doonayaa inuu isaga hayaamo caasimadda Spain xagaagan 2021 marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

Dhanka kale, inkastoo markii hore uusan difaacan ku jirin liiska xiddigaha ay Los Blancos iibineyso xagaagan, haddana wararka ka imaanaya dalka Spain ayaa warinaya in kooxda Macallin Zinedine Zidane ay iibineyso haddii uu isaga dalbado in laga fasaxo caasimadda dalka Spain.

Si kastaba ha ahaatee, keliya ma ahan Chelsea kooxaha doonaya xiddigan, Manchester United ayaa sidoo kale xiiseyneysa saxiixa xiddiga 28-sano jirsan doono 25-ka bishan April.