Chelsea oo Diiwaangalisay Dhaawicii 11aad ee Xili Ciyaareedkan.

0
184
Chelsea's German striker Timo Werner (2nd R) celebrates with teammates after scoring the opening goal of the pre-season friendly football match between Brighton and Hove Albion and Chelsea at the American Express Community Stadium in Brighton, southern England on August 29, 2020. - The game is a 'pilot' event where a small number of fans will be present on a socially-distanced basis. The aim is to get fans back into stadiums in the Premier League by October. (Photo by Glyn KIRK / AFP) (Photo by GLYN KIRK/AFP via Getty Images)

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Chelsea ayay dhaawacyadeedu noqdeen tusbax furtay, waxaana la xaqiijiyey in uu liiska dhaawacyada muddada maqnaanaya  ku biiray daafaca dhexe ee Trevoh Chalobah oo laga saaray kulankii Sabtidii ay barbarraha goolal la’aanta ah la galeen Liverpool.

Wararka hordhaca  ah ayaa sheegaya in dhaawaciisu yahay muruqa oo uu u baahan doono qiimayn dheeraad ah ka hor inta aan si rasmi ah loogu dhawaaqin muddada uu maqnaanayo, waxaana booskiisa buuxin doona Cesar Azpilicueta oo shalayba beddel kusoo galay markii uu baxay Chalobah.

23 jirkan ayaa noqonaya dhaawacii 11aad ee Chalsea ee sariirta jiifa, iyadoo ay sii socoto nasiib-xumada tababare Graham Potter oo ciyaartoydiisu ay sii wadaan dhaawacyada, halka isuguna  uu soo wado ciyaartoyda iyo saxeexyada cusub ee uu kooxda keenayo.

Chelsea ayay hore dhaawacyo ugaga maqnaayeen N’Golo Kante, Raheem Sterling, Denis Zakaria, Ben Chilwell, Reece James iyo Wesley Fofana oo dhamaantood dhaawacyadu dibedda ka dhigeen garoomada.

Waxa kale oo dhaawac ku maqan Armando Broja, Christan Pulisic iyo Eduoard Mendy oo waqtiga ay maqnaanayaan uu daba-furan yahay oo aan si dhab ah loo ogeyn inta uu qaadanayo, inkasta oo Broja uu xilli ciyaareedka oo dhan maqnaan doono.

Dhinaca kale, Chelsea ayaa waxa ganaax kaga maqan saxeexooda cusub ee Joao Felix oo kulankiisii koowaad ee Premier League ah kaadh casaan ah qaatay ciyaartii Fulham, waxaana uu sii maqnaan doonaa labada ciyaarood ee soo socda.