Chelsea oo ceyrisay Frank Lampard… (Waa kuma baddelkiisa?)

0
190

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa si rasmi ah u ceyrisay tababaraheedii Frank Lampard kaasoo muddooyinkii u dambeeyay la hadal hayay inay shaqadiisa shaki badan dhex fadhiso.

Blues ayaa soo saartay bayaan ay ku xaqiijineyso inay shaqada ka fasaxeen Lampard, iyadoo Milkiile Roman Abramovich uu ka war bixiyay go’aanka ay ku ceyriyeen xiddigoodii hore.

“Kani waxa uu ahaa go’aankii ugu adkaa, sababtu ma ahan inaan xiriir fiican wada lahayn Frank Lampard, waxaanna u hayaa xushmad ballaaran” ayuu hadalkiisa ku billaabay Abramovich.

“Waa nin kasha ka shaqeeya, si adagna u shaqeeya, si kasto ha ahaatee, xaaladdan oo kale, waxaan aaminsannahay inay tahay xilliga ugu habboon ee macallimiinta la baddelo.

“Anigoo ku hadlaya afka shaqsi walba oo kooxda ka tirsan, maamulka iyo midkeyga shaqsiga ah, waxaan u mahad celineynaa Lampard shaqadii adkeyd uu qabtay darteed, waxaanna u rajeyneynaa guulo badan mustaqbalka” ayuu yiri milkiilaha reer Russia.

Roman ayaa sidoo kale xaqiijiyay inuu aaminsan yahay in Lamps uu yahay mid marwalba taariikhda Chelsea meel dahab ah uga qoran, marwalbana waan kusoo dhoweyneynaa Stamford Bridge.

Chelsea ayaa lala xiriirinayaa inay goor dhow shaqada macallinnimada u magacaabi doonto Thomas Tuchel oo ay wada hadallo meel wacan maraya kula jiraan.