Chelsea Mise PSG? Kooxda Uu Lewandowski Doorbidayo Haddii Uu Heshiiska Barcelona Fashilmo Oo La Helay

0
180
Bayern Munich's Polish striker Robert Lewandowski attends the German football Bundesliga match between Bayern Munich and VfB Stuttgart in the stadium in Munich, southern Germany, on May 8, 2022.

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda uu weeraryahan Robert Lewandowski doonayo inuu ku biiro ayaa shaaca laga qaaday haddiiba uu qabsoomi waayo heshiiska uu kaga degayo Barcelona.

Hoggaamiyaha xulka Poland ayaa doonaya inuu iskaga tago Bayern xagaagan kaddib markii uu sheegay in wakhtigiisii halkaasi soo dhammaaday, waxa si weyn loola xidhiidhinayay Barcelona oo ku dhibtootay inay dhaqaale ahaan hesho.

Sida uu sheegayo saxafiga Kerry Hau, dalabka xiga ee ay Barcelona ka gudbinayso Lewandowski ayaa noqonaya mid ku dhaw 50 Milyan oo euro.

Haddii uusan heshiiskaasi qabsoomin kaddib Lewandowski ayaa doonaya inuu ku biiro kooxda Premier League ka ciyaarta ee Chelsea xilli ay dhinaceeda Paris Saint-Germain isku diyaarinayso inay tartankiisa gasho.

Chelsea ayaa doonaysa saxeexa weeraryahan kaddib markii uu Romelu Lukaku oo ahaa rekoodhkeeda suuqu heshiis amaah ah ugu laabtay Inter Milan halka Timo Werner uusan wali helin bandhigii uu RB Leipzig wacdaraha ugu soo dhigay.

Si ka duwan Barcelona, Chelsea ayaan ku dhibtoon doonin inay bixiso lacagta ay Bayern ku doonayso iibka Lewandowski gaar ahaan kaddib markii uu kooxda rasmi ula wareegay mulkiile Todd Boehly.

Saxeexa Lewy ayaa xoojin weyn u noqon doona Blues maadaama oo uu yahay mid wali noockasta oo gool ah dhalin kara walow uu bisha dambe 34 sano jirsan doono.

Xilli ciyaareedkii hore Lewandowski ayaa soo dhaliyay 50 gool tartamada oo dhan kaddib 46 kulan oo uu soo ciyaaray isagoo 35 gool kusoo qaaday gool dhalinta horyaalka Bundesliga.