Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Inter Milan ayaa ku guuleysatay koobka Itallian Cup, kaddib markii ay 2-1 ku garaacday Fiorentina oo gool waqti hore ahaa kala hormartay.
Nerrazzuri ayaa awood u yeelatay in ay laba-jeer shabaqa too taabato sagaal daqiiqadood oo qaybtii hore ah gudahood, iyaga oo kasoo kabtay gool ay Fiorentina kaga nixisay daqiiqaddii 3aad ee bilowga ciyaarta.
Lautaro Martinez ayaa noqday halyeyga Inter Milan ee ku suntan guusha Coppa Italia ah oo ah koobkii labaad ee ay xilli ciyaareedkan ku guuleystaan, waxaana uga horreeyey Supercoppa Italia oo ay ka qadeen Juventus.
Tababare Inzaghi oo mar ku sigtay in kooxda laga eryo ayaa muuujiyey in ay qalad weyn samayn gaadheen maamulka naadigu haddii ay go’aankaas ku dhaqaaqi lahaayeen, isaga oo u qaaday laba koob, sidoo kalena ay finalka Champions League la ciyaari doonaan Manchester City bisha dambe.
Nicolas Gonzalez ayaa Fiorentina hogganaka u dhiibay ciyaarta oo aan wali diirin oo saddex daqiiqadood oo kaliya socotay, hase yeeshee xiddiga reer Argentina ee Lautaro Martinez ayaa laba gool oo daran-doorri ah dhaliyey daqiiqadihii 29aad iyo 37aad, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay natiijadaas, inkasta oo qaybtii dambe ay labada kooxoodba fursado badan heleen.
Inter Milan ayaa sannadkii labaad oo xidhiidh ah waxay isku darsatay labada koob ee Italian Cup iyo Supercoppa Italia,