Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Liverpool ayaa ka hadhay tartanka FA Cup-ka kadib markii ay guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Plymouth Argyle.
Kulanka ayaa ahaa mid uu Slot il gaar ah ku hayay kulanka Everton ee bartamaha todobaadka waxana uu nasiyay xiddigaha ugu muhiimsan kooxdiisa.
Slota ayaa shaxda ku soo galay dhamaan kooxaha kaydka Iyo waliba xiddigo akademiyada ah.
Liverpool ayaa maamulaysay ciyaarta laakiin Plymouth Argyle ayaa difaac ku jirtay.
Qaybta hore ee ciyaarta ayay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro gool la’aan ah.
Daqiiqadii 53-aad ayay Kooxda Plymouth Argyle dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Ryan Hardie kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.
Liverpool ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha.
Laakiin waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Plymouth Argyle.