Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ururka Dhalinyarada ee Ileys Foundation oo ah urur ay ku mideysan yihiin dhalinyaro ku nool Magaalada Dhoobley islamarkaana kaalin mug leh ka qaata kaalmaynta Dadka danyarta Horumarinta iyo dhirigalinta Waxbarashada Degmada ayaa Deeq Dhar ciid ah gaadhsiiyay In ka badan 200 Caruur agoon ah kuwaasi oo laga soo kala xulay Xaafadaha kala duwan ee Degmada Dhoobley.
Qaar kamid ah Waalidiintii Caruurtooda loo ciidsiyay oo Warbaahinta la hadlay ayaa u mahad Celiyay Dhalinyarada soo gaadhsiisay Dharka iyagoona ku bogaadiyay howsha ay u hayaan Bulshada.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya