Carona Virus oo si wayn u saameeyey waxbarashada carrurta barkacayaasha ah

0
222

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni) Dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan xeryaha dadka soo barakacay ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay saameyn wayn kala kulmeen cudurka Corona-virus oo dunida fara ba’an ku haya.

Dadkan oo nolol ahaan aad uga liita dadka kale ee wax heysta ayaa cudurka kala kulmay dhibaatooyin ay ka mid yihiin shaqa la’aan, Waxbarasho la’aan, oo ay u sii dheertahay inaanay awoodin inay ka hortagaan cudurka maadaama uu si deg deg ah ku faafayo.

Xaliimo Xirsi oo ka mid ah haweenka barakacayaasha ee degan mid ka mid ah kaamamka ku yaala Garasbaaleey ayaa iyadoo ay ku hareereysanyihiin carruuur ay dhashay iyo kuwa dariskeeda ah waxay noo sheegtay in cudurka uu waxbarasho seejiyey carrrur badan oo danyar ah, haatanna qaarkood ay guryaha iska joogaan.

“Carruurteennu marki horeba  waxbarasho fiican ma aysa heysan, hadana waxaa na saameeyey cudurka coronavirus maadaama la yiri guryaha hala joogo, sidaas ayeyna kujoogaan oo meel ay udhaqaaqaan malaha” ayey tiri Xaliimo Xirsi.

Maxamuud Bilow oo ka mid ah ardayda barakacayaasha ah ayaa noo sheegay inuu bilaabay olole waxbarasho oo uu ardayda kaamka ugu celinayo waxbarashadii ay hore u qaateen kadibna uu u sii bilaabi doonno waxbarashada kale, arintaasna ay ardayda si wayn usoo dhaweeyeen.

“Waxay fikradan igu dhalatay markaan arkay arday badan oo guryaha iska joogta, marka maadaama uu waqtiga socdo waxaan jecleystay inaan casharada ugu celiyo ardayda si ay uga faa’ideystaan fursadan” ayuu yiri Bilow.

Qaar kamid ah ardayda oo aan wax ka  weydiinay hakadka ku yimid waxbarashadooda   waxay noo sheegeen in intii lagu guda jiray saameynta cudurka ay joogsatay waxbarashadoodii iyagoo intaas ku daray in haatan ay rajeynayaan in waxbarashadoodii ay dib u bilaaban doonto.

Dhinaca kale waxaa kaamka Garisbaalleey ka bilowday olole dadka barakacayaasha ah ay isaga wacyigalinayaan Khatarta cudurka Carona-virus iyadoo ay indhaheennu qabanayeen dumarka ka shaqeynaya Nadaafadda iyo fayadhowrka kuna wacyigalinaya bulshada inay ku dadaalaan kala fogaanshaha.

Cudurka Caronvirus ayaa dunida ka bilowday bartamaha sanadkii hore waxaana dalka Soomaaliya ugu geeriyooday dad kor u dhaafaya 100 qof, iyadoo uu haleelay ku dhawaad 4000 oo qof,