![FILE PHOTO: European Super Cup - Real Madrid v Eintracht Frankfurt](https://radiosanguuni.so/wp-content/uploads/2023/05/12-7-696x505.jpeg)
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa ka hadlay wixii xalay ku dhacay da’yarka garabka bidix ee kooxdiisa ee Vinicius Jr oo markale cunsuriyad kala kulmay garoomada Spain oo uu ku dhib qabo.
Madrid ayaa booqatay kooxda heerka labaad ka cararaysa ee Valencia waxayna gegida Mestalla Stadium kula soo kulmeen guuldarro 1-0 ah.
Kulankaas ayaa ahaa mid markale Vinicius Jr ay xiddigaha Valencia si gaar ah ula dhaqmayeen halka jamaahiirtooduna cunsuriyad aan gabasho lahayn kala horyimaadeen.
Vini ayaa ugu dambayn daqiiqadii 97-aad ee kulanka kaadhka cas loo taagay kaddib khilaaf ka dhashay cunsuriyad kaga timid dhinaca taageerayaasha.
Ancelotti oo kulanka kaddib il-wareedka Movistar weydiiyay inuu kulankaas sidii uu u arkayay ka hadlo ayaa diiday oo yidhi “Ma doonayo inaan ka hadlo kubadda cagta, ma waxaad doonaysaa inaad ka hadasho kubadda cagta?”.
Intaas kaddib Carlo ayaa sheegay inuu la yaabay in garoon dhammi u midoobay inay cunsuriyeeyaan oo “Daanyeer” ugu yeedhaan hal ciyaaryahan.
“Wixii ka dhacay halkan ayaan filayaa inay kubadda ka muhiimsan tahay, inay guuldarrada ka muhiimsan tahay, miyaanay kula ahayn? anigu waan degenahay balse wixii maanta dhacay ma ahayn inay dhacaan”.
“Inuu garoon ku qayliyo ciyaaryahan oo ku waco “Daanyeer” iyo inuu tababaruhu ka fikiro inuu bedel ku sameeyo ciyaaryahankaas, wax jira wax ka qaldan horyaalkan”.