Carlo Ancelotti Oo Ka Hadlay Rajada Real Madrid Ee Hanashada La Liga Kadib Guuldarradii Ka Soo Gaadhay Valencia

0
90

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda Real Madrid, Carlo Ancelotti, ayaa si cad u muujiyay in guuldarradii lama filaanka ahayd ee kooxdiisu kala kulantay Valencia ay si weyn u dhaawacday fursadahooda hanashada horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Real Madrid oo ah kooxda difaacaneysa horyaalka, ayaa 2-1 lagaga badiyay garoonkeeda Santiago Bernabeu, taasoo ahayd guushii ugu horreysay ee Valencia ay ka gaarto halkaas muddo 17 sano ah. Goolasha kooxda Valencia waxaa u dhaliyay Mouctar Diakhaby iyo Hugo Duro, halka Vinícius Júnior uu u dhaliyay Real Madrid Goolka calanka.

Guuldarradan ayaa ka dhigan in Real Madrid ay hadda afar dhibcood ka dambeyso Barcelona oo hoggaanka horyaalka haysa, iyadoo farqigaas uu sii ballaadhay kadib  Barcelona oo barbarro kala kulantay Real Betis kulankii sabtida.

Muxuu Ancelotti Yiri?

Tababaraha reer Talyaani oo la hadlay saxaafadda kadib ciyaarta ayaa yiri:

“Waa mid aad u adag hadda in aan u dagaallano horyaalka, balse hal fikir ayaan haysanaa – inaan si wanaagsan u ciyaarno ilaa dhammaadka. Weli fursad ayaan leenahay. Waa ay yaraatay fursaddeena kadib ciyaartan, laakiin waa in aan dagaallanaa ilaa dhammaadka.”

Kooxda Los Blancos ayaa markale garoomada ku soo laaban doonta usbuuca soo socda, iyagoo la ciyaaraya Arsenal lugta hore ee wareega siddeed dhammaadka Champions League, taasoo ka dhici doonta garoonka Emirates Stadium 8-da Abriil.