Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa shaaciyey muddada uu garoomada ka maqnaan doono xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior oo ku dhaawacmay kulankii ay guusha cidhiidhiga ah kasoo gaadheen Celta Vigo ee ay sida buuxda ugula wareegeen hoggaanka horyaalka LaLiga.
Real Madrid ayaa sii wadda guulaha xidhiidhka ah ee ay ku bilaabatay xilli-ciyaareedka, waxaana mar kale guusha ku hoggaamiyey Jude Bellingham oo dhaliyey goolka madiga ah ee ay xalay kaga soo adkaadeen Celta Vigo oo ay marti u ahaayeen.
Guushan ayaa waxa qasay dhaawac soo gaadhay Vinicius Junior oo garoonka ka baxay daqiiqaddii 17aad ee bilowga ciyaarta, taas oo walaac ku abuurtay taageereyaasha kooxdaas, maadaama aanay haysanin weeraryahan kale oo booskaas buuxin kara, isla markaana uu ka tegay hoggaamiyihii weerarka ee Karim Benzema.
Carlo Ancelotti oo ciyaarta kaddib la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Vinicius Jr uu ka maqnaan doono kulanka toddobaadka dambe ay garoonka Santiago Bernabeu kusoo dhoweyn doonaan Getafe, balse ay kooxdiisa faa’iido u noqon doonto fasaxa ay gelayaan horyaallada toddobaadka dambe ee la dheelayo ciyaaraha caalamiga ah.
Ancelotti oo wax laga weydiiyey dhaawaca Vinicius Jr ayaa yidhi: “Qorshaha nooguma jirto in aanu ciyaartoy cusub keeno kooxda, sababtoo ah xataa Vinicius oo naga maqan ayaanu goolal dhalin karnaa, sidii aanu maanta [xalay] samaynay.
“Vini ma ciyaari doono kulanka Getafe, laakiin waxa uu u muuqday in dhaawaciisu aanu halis ahayn. Waxa uu doonayay inuu sii ciyaaro, laakiin annaga ayaa diidnay in aanu khatar gelino. Waxa uu soo laaan doonaa kaddib fasaxa caalamiga ah.”
23 jirkan oo sannadkii 2019 ay Real Madrid soo iibsatay ayaa ka mid ahaa xiddigaha badqabka ka ah dhaawacyada ee waqtigooda Santiago Bernabeu taam ahaanshaha iyo badqabka ku joogay.
Si kastaba ha ahaatee, Carlo Ancelotti ma aanu caddaynin haddii Vinicius Junior laga saarayo liiska xulka qaranka Brazil ee kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026 ee ay bisha dambe ee September la ciyaarayaan Bolivia iyo Peru.