Carlo Ancelotti Oo Caddeeyay Doorka Uu Eduardo Camavinga Ka Ciyaari Doono – Daafac Bidix Mise Khad Dhexe?

0
63

Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa ka hadlay booska uu da’yarka kooxdiisa ee Eduardo Camavinga u adeegsan doono xilli ciyaareedka dambe.

Camavinga ayaa qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii 2022-23 laga wareejiyay booska uu doorbido ee khadka dhexe iyadoo loo wareejiyay daafac bidix kaddib dhaawacii haleelay Ferland Mendy.

Image

Ancelotti ayaa u doortay Camavinga inuu daafac bidix dheelo sababtoo ah awoodiisa ah inuu boosas badan ciyaari karo.

Camavinga ayaa si wanaagsan uga falceliyay isagoo qaab ciyaareedyo cajiib ah kulamo waaweyn kusoo bandhigay halkaas, sidoo kale tababaraha France ee Didier Deschamps ayaa isaguna u adeegsaday Camavinga daafac bilawgii sanadkan.

Si kastaba, in Mendy taam buuxa yahay haatan isla markaana Real Madrid dib ula soo saxeexatay Fran Garcia ayaa ka dhigan in kooxdu iska soo xoojisay doorkaas.

Ancelotti ayaa sheegay inuu Cama uga ciyaarayay daafaca sabab deg-deg ah balse uu xilli ciyaareedka cusub khadka dhexe u adeegsanayo.

“Wuxuu uga ciyaaray daafaca garab ka xaalad deg-dega ahaan kaddib dhaawacii Ferland Mendy” ayuu yidhi macalinka Talyaaniga ahi.

“Mendy haatan aad ayuu u wanaagsan sidoo kale Garcia oo wax badan nagu soo kordhin kara. Camavinga waa khad dhexe oo leh tayo aad u badan aragtiduna waa inaan isaga khad dhexe oo kali aha ama khad dhexe oo dambe oo laba ka kooban u adeegsado maaha daafac bidix”.