Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Chelsea ayaa diyaar u ah inay bilaash kula saxeexato mid kamida xiddigaha ugu muhiimsan mustaqbal ahaan Man United sida lagu sheegayo wargeyska Le Republica.
Ciyaaryahankaas oo ah Marcus Rashford ayaa xilli ciyaareedkii hore oo uu qaybtiisii hore dhaawac ku maqnaa ku dhammaystay afar gool iyo laba caawimo oo Premier League ah.
Taas ayaa sababtay in calaamad su’aal la saaro mustaqbalka Rashford markii uu Erik Ten Hag kala wareegay shaqada Manchester tababarihii kumeel-gaadhka ahaa ee Ralf Rangnick.
Red Devils ayay wararku sheegayaan inay doonayaan inay heshiis cusub u bandhigaan haddii ay awoodi waayaan inay la meel dhigaan heshiis kordhintaas ayay Rashford sugayaan kooxaha Chelsea iyo Atletico Madrid.
Heshiiskiisa haatan ayaa ah mid dhacaya sanadka dambe ee 2023 walow uu jiro dookh ah in sanad kale la kordhin karo, 24 sano jirkaas ayaa da’ fiican ku jira haatan oo koox kasta u noqon kara maalgelin mustaqbalka fog ah.
Chelsea ayaa habeenkii ugu dambeeyay suuqii xagaaga Pierre Emerick Aubameyang kala soo wareegtay Barca, 33 sano jirkaas ayaa ah xalka wakhti gaaban isla markaana Blues ayaa u baahan weeraryahan kale dhawaan.