Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Addis Ababa oo lagu soo gabagabeeyay kulan u dhaxeeyay dhallinyrada iyo odayaaasha labada deegaan ee Soomaalida iyo Canfarta oo hore ay colaado u dhex mareen.
Shirkan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Nabadda ee Itoobiya ayaa lagaga hadlay sidii dhaqangal looga dhigi lahaa heshiisyo colaadda lagu soo afjarayo oo ay hadda ka hor kala saxeexdeen madaxweynayaasha labada deegaan ee Canfarta iyo Soomaalida.
Odayasha Soomaalida ee kulankan ka qaybgalay ayaa BBC-da u sheegay in ay ujeeddadu ay ahayd ka-hor-tagista xabbad kale oo dhacda iyo in labada qoomiyadood is laab-xaadhaan.
Deegannnada canfarta iyo Soomaalida oo xuduud wadaaga ayaa dagaalka ka dhex aloosan waxa uu sannadihii la soo dhaafay ahaa mid soo noqnoqda oo aan xal waara loo helin.