Bunka oo la ogaaday in uu yareyn karo halista cudurrada ku dhaca beerka

0
171

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Daraasad cusub oo ay sameeyeen jaamacado ku yaalla Britain ayaa lagu ogaaday in cabidda kafeega ay yareyn karto halista xanuunada ku dhaca beerka.Waxaana cilimi baaristan sameeyay jaamacadaha kala ah Southampton iyo Edinburgh, kuwaas oo ogaaday in cabidda kafeega ee saddex ilaa afar koob maalinkii, ay yareyn karto halista ah in qofka uu ku dhaco xanuun waxyeelleeda beerka.

Cilimibaarayaasha ayaa darasaadda ku beegsaday ku dhawaad nus milyan qof oo ku nool gudaha UK, waxayna ogaadeen in boqlkiiba 21 uu cabidda bunka yareyn karo halista cudurrada ku dhaca beerka halka boqolkiiba 49 uu wax ka qaban karo xaaladda qofka la il-daran cudurradaas, marka la barbardhigo dadka aanan cabin bunka.Waxaa aad sare ugu kacay cabidda kafeega, maadama dad badan ay jecel yihiin si ay nashaad u dareemaan.

Waxay sidoo kale ogaadeen waxtarka isticmaalka bunka aanan laheyn maaddada keenta nashaadka ee qofka ka qaada hurdada iyo caajiska ee Caffein-ta.Waxaa la arkay in uu sidoo kale uu kafeega yareyn karo halista cudurrada beerka ee ku dhaca xoolaha, sida lagu sheegay daraassadda.

Nooc ka mid ah bunka uu ku yar yahay maaddooyinka Kahweol iyo cafestol, ayaa sidoo kale lala xiriiriyay arrintan.

Cilmi-baarista ayaa natiijo wanaagsan ka muujisay in waxtar uu leeyahay bunka marka lagu daro waxyaabo kale.Dr Oliver Kennedy, oo ah khabiirkii hoggaaminayay cilmi-baarista, ayaa sheegay in daraasadda ay muuineyso in mustaqbalka bunka loo adeegsan karo ka hortagga xanuunada ku dhaca beerka, sida ay ku warrantay warbaahinta PA Science.

Cilmibaarayaasha waxay darseen xaaladda 495,585 qof oo isticmaalay noocyada kala duwan ee bunka.Intii ay daraasadda ku gudo jireen, waxaa jiray kiisas gaarayay 3,600 oo lala xiriiriyay cudurka ku dhaca beerka iyo 301 kiis oo dhimasho ah.

Si kastaba, cilmi-baarayaasha waxay sheegeen in daraasasdda ay ku saleysneyd kaliya dadkii ka qeyb qaatay, balse aanan la ogeyn xaaladdooda sida ay aheyd wixii ka horreeyay daraasadda oo ah in ay horey u isticmaali jireen bunka