Bulshada ku nool Magaalada dhoobley oo si wanaagsan ugu diyaar garoobaya munaasabada ciidul fidriga

0
381

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Tobanka dambe ee ramadaanka marka lagaaro waa xiliga ay ganacsatada iyo dadkuba isku diyaariyaaan u diyaar garowga ciida.

Hadaba suuqyada magaalada dhoobley waxaa laga dareemayaa diyaar garow balaaran oo ku aadan munaasabada ciida oo inagu soo wajahan haduu alle idmo.

Qaar kamid ah ganacsatada deegaanka ayaa warbaahinta uga waramay sida ay sanadkan ugu diyaar garoobeen ciida iyo waxa ay uga duwan tahay sanadkii tagey.Dadka ayaa sido kale ka dukaameysanaya suuqyada dhoobley iyagoo isku diyaarinaya ciida

Waxaa xusid mudan in sanadkan la filayo dadka somaliyeed inay ciidaan iyaga oo afsaab la’aan ah maadaama inta badan halistii koroonuhu ay ka yaraatahay guud ahaan dalkeena somaliya

Naxwo Axmed kadiye. ayaa ka warramaysa