Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Iyadoo ay weli ka taagan yihiin colaado iyo iskahorimaadyo hubeysan oo ka dhacay qaar ka mid ah deegaannada Galmudug, kuwaas oo u dhexeeya beelaha wada dega dhulka miyiga ah, ayaa Ustaad Noor Dhiblawe, oo ka mid ah barayaasha wax ka dhiga dugsiyada iyo jaamacadaha Galmudug, waxa uu baaq u diray dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Galmudug.
Ustaad Noor ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka, culimada, dhalinyarada, haweenka, iyo maamulka Galmudug inay si wadajir ah uga shaqeeyaan joojinta colaadaha, dib u heshiisiinta, iyo soo celinta nabadda iyo xasilloonida deegaanada ay colaaduhu ka taagan yihiin.
Naxwo Axmed Kadiye.ayaa fah-faahineysa