Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Abaaraha Ba’an ee Ka jira qeybo badan oo dalka ah kali ah mayna sameynin xoolaha balse waxa ay sido kale saameyn balaadhan u geysteen duur joogta dalka oo markii horeba yaraa.
Tan iyo burburkii dalkeena wixii ka dambeyay duur jogta dalka ayaa aheyd mid u hayaanta dalalka dariska ah sida kenya iyo Itoobiya hayaankaasi waxaa hada ugu darsamay oon iyo xaaluf la soo darsay, duur jogta ayaa ah mid aan helin deryeelkii ay u baahneyd Gobolada Jubbooyinka ayaa ahaa mar kuwa hodan ku ah duur jogta balse hada waxaad modaa in ay ku sii yaraanayaa nocyada kala duwan ee ugaarta.
Xaaneynta duur joogtu waa masuuliyad wadareed dhamaan wada saran muwaadiinta Soomaaaliyeed saas oo ay tahayna waxaa u istaaga wax u qabashada duur jogta dad yar.
Muxumad Maxamed waa Aabe Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Dhoobley ee gobalka Jubbada Hoose waxa uu u istaagay xanaanaynta qaar kamid ah duur joogta dalka isagoona ku xanaaneeya hoygiisa ugaarta loo yaqaano goryada oo kamid ah kheyraadka u Dalkeenu hodanka ku yahay.
Khadar Axmed Salaan.ayaa warbixintan ku eegaya.