Bukayo Saka Oo Fariin U Diray Taageerayaasha Arsenal.

0
50

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga kooxda Arsenal ee Bukayo Saka ayaa si buuxda ugu soo laabtay tababarka kooxda 1-aad.

Saka ayaa dhaawac ku maqnaa muddo dheer isaga oo kooxdiisa ka maqnaa kulamo muhiim ah xilli ciyaareedkan.

Laakiin xiddiga ayaa haatan si Rasmi ah ugu soo laabtay tababarka isaga oo fariin u diray taageerayaasha kooxdooda.

Saka ayaa baraha bulshada ku soo qoray fariin uu u diray taageerayaasha kooxda Arsenal kadib markii uu ku soo laabtay tababarka.

“Hallo mar labaad”, Bukayo Saka ayaa ku qoray boggiisa Instagram-ka