Bruno Fernandes Oo Ka Tagaya Man United.

0
44

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Al-Hilal hadda waxa ay rumantahay in heshiiska Bruno Fernandes uu dhow yahay ka dib toddobaad shirar wanaagsan socday.

Fernandes hadda qoyskiisa ayuu kala tashanayaa. Arrin muhiim ah oo ku saabsan heshiiska.

haddii Fernandes ogolaado waxay noqon doontaa haddii guuritaanka uu sidoo kale ku habboon yahay qoyskiisa.

Kooxda Ah Hilal ayaa jawaab ka sugaysa Bruno ilaa maalinta jimcaha.

Wali ma jiro dalab rasmi ah oo ay u gudbisay Man United laakiin Al-Hilal ayaa aaminsan in heshiiska la ogolaan doono.

Kooxda Man United ayaa wali ku adkaysanaysa in ayna doonayn in ay iibiyaan kabtankooda.