Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa kusoo laabatay jidka guusha kaddib saddex ciyaarood oo xidhiidh ah oo laga badiyey, waxaanay saddex dhibcood oo ay aad ugu baahnaayeen ka heleen Burnley oo ay marti ugu ahaayeen Turf Moor.
Gool madi ah oo uu dhaliyey Bruno Fernandes ayaa Manchester United siiyey guul ay aad ugu baahnaayeen, inkasta oo Burnley ay ahayd kooxda guusha u qalmaysay.
Kubbad uu meel fog kasoo tuuray Jonny Evans oo dib ugu soo laabtay Manchester United oo uu siddeed sannadood ka maqnaa, ayaa waxa laynka xerada ganaaxa darbad xooggan kaga sii qabtay Bruno Fernandes oo uga hormaray laba difaac, waxaanu sidaas ku weydaariyey goolhaye James Trafford oo aan wax fursad ah u helin in uu badbaadiyo.
Manchester United ayaa heshay gool kale oo uu dhaliyey Jonny Evans oo ay VAR ka diidday, kaas oo haddii loo ogolaan lahaa uu ku noqon lahaa xiddiga garoonka ee shaki la’aanta ah.
Taariikh cusub ayaa sidoo kale qorantay intii ay ciyaartani socotay, kaddib markii uu Sofyan Amrabat beddel kusoo galay dhamaadka ciyaarta oo ay laba daqiiqadood ka hadhsanaayeen, waxaanu noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee reer Morocco ah ee abid u ciyaara Manchester United