Brighton oo garoonkeeda ku bahdishay Manchester United kaddib markii ay ka gaartay guul qurux badan

0
244

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Brighton ayaa garoonkeeda ku bahdishay kooxda Manchester United kaddib markii ay ka gaareen guul qurux badan oo 4-0 ah, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Brighton.

Daqiiqadii 15-aad kooxda Brighton ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 1-0 ka dhigay laacibkooda Moisés Caicedo.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

49 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Marc Cucurella oo caawin ka helay saaxiibkiis Leandro Trossard ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Brighton.

Daqiiqadii 57-aad kooxda Brighton ayaa dheereysatay hoggaanka ciyaarta waxaana 3-0 ka dhigay Pascal Groß kaddib markii uu ka caawiyay saaxiibkiis Marc Cucurella.

Leandro Trossard ayaa daqiiqadii 60-aad soo afjaray bandhiga goolasha ee kulankan wuxuuna dheesha ka dhigay 4-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Brighton.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 4-0 ay kaga adkaatay Brighton kooxda Manchester United oo marti ugu ahayd garoonka American Express Community.